Yemen oo sheegtay in Xuutiyiinta ay afduubteen 70 qof

0
193

Wasiirka wasaaradda xuquuqul aadanaha ee dalka Yemen Axmad Arman ayaa dalbaday in qaramada midoobay ay xirto xafiisyadeeda ku yaalla magaalada Sancaa oo ay shaqaalaheeda u wareejiso magaalada Koonfureed ee Cadan.
Waxaa uu sheegay in tani ay ka badbaadin doonto weerarrada ururka Xuutiyiinta ee sii kordhaya.
Wasiirka ayaa sheegay in kooxdan ay afduubatay ilaa 70 qof oo 18 ka mid ah ay yihiin shaqaalaha qaramada midoobay.