Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in dowladdu ay howlaha waddooyinka maareyn doonto iyadoo aan la kordhin qiimaha shidaalka.
Tani ayaa timid ka dib markii ay shacabka walaac muujiyeen xilli ay aragtidooda gudbinayeen.
Murkomen ayaa bayaan ku sheegay in dadka badankoodu ay qabaan walaac ah in haddii la kordhiyo canshuurta dayactirka waddooyinka in sidoo kale uu kordhaya qiimaha maciishadda.
Wasiirka ayaa ballan qaaday tixgelinta dhammaan talooyinkii ay dhiibteen dadweynaha ka hor inta aan la qaadan go’aanka kama dambeyska ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay qaadayaan tallaabooyinka dakhli dheeraad ah lagu helayo keliya ka dib marka la hubiyo in aynan sare u qaadi doonin maciishadda.
Bishii hore ayay ahayd markii uu wasiir Murkomen guddiga maaliyadda iyo qorsheynta ee baarlamaanka uu u sheegay in canshuurta waddooyinka markii ugu dambeysay dib u eegis lagu sameeyay sanadkii 2016-kii sidaasi awgeedna loo baahan yahay isbeddel.
Waxaa hadda ay canshuurta ku jaan go’an tahay 18 shilin halkii liitar oo shidaal ah.