DHAGEYSO:5 qof oo lagu dilay ismaamulka Meru

0
287

Waxaa deegaanka Waqooyiga Igembe ee ismaamulka Meru lagu dilay 5 ruux.
Mid ka mid ah dadka la dilay ayaa ah sarkaal booliis.
Dhowr qof oo kale ayaa la dhaawacay ka dib iskudhaca dhex maray xoolo dhaqato iyo koox burcad ah.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo deegaankaasi Sylvester Mangulu ayaa sheegay in dagaalka uu socday ilaa 5 saacadood.
Waxaa uu sheegay in burcadda ay la baxsatay ilaa 159 neef oo xoolo ah.