Raila Odinga oo shir uga qayb galaya Zanzibar

0
187

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa maanta gaaray jasiiradda Zanzibar ee waddanka Tanzania wuxuuna halkaasi uga qayb galaya shirka wasiirrada ee Jaaliyadda Bariga Afrika ee EAC-da.
Raila ayaa wasiirrada kala hadli doono arrimo badan oo ay dani ugu jirto gobolka.
Shirka uu Mr. Odinga uga qayb galaya Kiwengwa ayaa ku soo aadaya iyadoo ay dowladda Kenya garab ku siinaysa musharraxnimadiisa ku aaddan xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee (AUC) .
Raila ayaa wada hadallada uu la yeelanaya wasiirrada EAC diiradda ku saari doono xoojinta isdhexgalka gobolka iyo dardargelinta ajeendaha AU-da ee isdhexgalka iyo horumarka qaaradda Afrika.
Waxaa sidoo kale shirkaasi ka qayb galaya wafdi uu hoggaaminaya madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here