Warbaahinta qaranka ee KBC ayaa ku warramaysa in ismaamulka Makueni lagu qabtay 5 eedeysanayaal oo lala xiriirinayo argagixisada.
Waxaa dadkan gacanta ku dhigay saraakiisha waaxda dambi baarista ee dowlad deegaankaas.
Howlgalka ayaa sidoo kale lagu soo helay waxyaabaha qarxa.
Ciidamada ayaa tuhmanayaasha qabtay xilli ay roondooyin ka sameynayeen gudaha degmada Mtito Andei ka dib markii shacabka ay ku soo wargeliyeen in ay jiraan shakhsiyaad ay ka shakiyeen.
Saraakiisha ayaa helay baabuur taargadiisu lagu sheegay KBR 142L oo ay ku jiraan 5-ta qof kaasoo la dhigay dibadda goob lagu cunteeyo.
Darawalka baabuurka kaxeynayay oo 52 sano jir ah ayaa magaciisu lagu sheegay Cyrus Wamwea Thiongo halka eedeysanayaasha kale ay kala yihiin Cabdinassir Xirsi Hapicha oo 34 sano jir ah , Cali Gibaba Hapicha oo 42 sano jir ah , Cumar Halake Jillo oo ay da’diisu tahay 60 iyo sarkaal ka mid ah ciidamada booliska ee maamulka ee loo yaqaano AP-da oo lagu magacaabo Cali Gollo Garaqo.
Wararka ayaa intaa ku daraya in sarkaalkan uu sheegtay inuu ka howlgalo saldhigga booliska ee Maua ee ismaamulka Meru.
Eedeysanayaasha oo la rumeysan yahay in ay ka yimaadeen dhanka Mombasa ayaa ku soo wajahnaa Nairobi waxaana la geeyay saldhigga booliska ee Mtito Andei .
5-ta qof ee la qabtay ayaa hadda ku jiro gacanta booliska waxaana lagu wadaa in lagu wareejiyo ciidamada booliska ee qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee (ATPU) halka waxyaabihii la qabtayna lagu wareejinayo khuburrada ku takhasusay bambooyinka si ay baaritaano dheeraad ah ugu sameyaan.