DHAGEYSO:20-ka bishan oo Muqdisho lagu qabanaya shir ku saabsan doorashooyinka

0
387

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku casuumay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha doorashooyinka oo 20-ka bishan May ka dhici doona magaalada Muqdisho.
Waxaa arrinkan warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamad Ibraahim Macallimou.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Wasaardadda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalah,oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan dadaalo ay siyaasiyiin ka dambeeyaan oo looga gol-leeyahay in caqabad lagu noqdo geeddisocodka arrimaha doorashooyinka ee loo xilsaaray ra’iisul wasaare Maxamad Xuseen Rooble.