DHAGEYSO:Rw Rooble oo kulan la qaatay midowga musharraxiinta

0
435

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi hore ee dalka Soomaaliya Sh Shariif Sheekh Axmad ayaa kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble.
Waxaa ay kawada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo Sidii loo dajin lahaa Xaaladda Siysaasadeed ee dlakaasi.
Shirka u socda Midowga Musharrixiinta iyo Rw Rooble ayaa ka dib Markii uu soo dhamaaday waxaa Warbaahinta Faahfaahin ka Siiyay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamad Ibraahim Macalimow.

Dhanka kale Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo ayaguna kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyey heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.
Waxaa dhamaan Dhinacyada Siyaasadeed ee Soomaaliya ugu baaqeen inay danaha dalka ka wada shaqeeyaan.

Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay kulan lagu taageerayey doorka xukuumadda Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha doorashooyinka.
Waxaa ayna sheegeen in Haweenku dowr weyn ka qaadan karaan nabadda iyo daganaanshaha wadanka.