Baarlamaanka dalka oo ansixiyay howlgelinta ciidamada difaaca

0
375

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansixiyay in ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta loo adeegsado in ay qayb ka noqdaan ka falcelinta dibadbaxyada looga soo horjeedo hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Arrintan ayaa lagu meel mariyay kal-fadhigii saaka ka hor inta aynan xildhibaannada billaaban fasax ay ku maqnaan doonaan ilaa 23-ka bisha Toddobaad ee sanadkan.
Farqada 241-aad ee dastuurka dalka ayaa qeexaysa in ciidamada militariga la howlgelin karo keliya marka uu baarlamaanka ansixiyo.
Shalay ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale uu fasaxay in militariga ay booliiska garab ku siiyaan dib u soo celinta xaaladdii caadiga ahayd ka hor mudaaharaadyada.
Hasa ahaate, xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Rarieda ee ismaamulka Siaya garyaqaan sare Otiende Amollo ayaa sheegay in baarlamaanka uunan ansixinta qorshahan u marin hab-raaca habboon.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayuu ku sheegay in iyadoo aynan warbaahintu goobjoog u ahayn sidoo kalena ay xarunta baarlamaanka ka maqnaayeen xubno badan in si degdeg ah loo ansixiyay adeegsiga militariga iyadoo aan la caddeyn meelaha gaar ah ee ay ka howlgalayaan, sababta iyo muddada.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo xalay fiidkii khudbad kooban jeediyay ayaa wacad ku maray in ay falcelinta ugu adag ka bixin doonaan rabshadihii shalay dhacay ee lagu gubay qaybo ka mid ah baarlamaanka iyo xafiiska barasaabka Nairobi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here