Golaha shacabka Soomaaliya oo ansixiyay in dib loogu laabto heshiiskii 17 Sep

0
635

Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa codsiga madaxweynaha ka dib u codeeyay in dib loogu laabto heshiiskii 17 Sebtembar waxayna ku waafaqeen madaxweynaha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday xildhibaannada inay ka laabtaan sharcigii jiheynta doorashooyinka oo ay xildhibaannada horay u ansixiyeen 12-kii bishii hore ka dib markii sida uu sheegay diidmo lagala horyimid ayna ogolaadaan in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September.
Dhamaan xubnihii fadhiyay ayaa u wada codeeyay mana jirin ka hor timid.
Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa u mahad celiyay xildhibaannada ee aqbalay codsigiisa.