3 qof oo ku dhimatay dhul go’o saameeyay Indonesia

0
539

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay dhul go’o saameeyay dalka Indonesia.
Dhacdadaan ayaa laga soo tabiyay goob warshad korontada soo saarto oo uu Shiinuhu taageero islamarkaana ku taalla jasiiradda Sumatra ee dalka Indonesia.
Waaxda qaran ee maareynta musiibooyinka ee Indonesia ayaa maanta sheegtay in tirada dhimashadu ay sii kordhi korto.
Roobab culus oo ka da’ay jasiiradda Sumatra ayaa waxaa ka dhashay dhul go’o iyo daadad sababay khasaaraha dhimasho.
Kooxda samatabixinta ee dalkaasi ayaa wali raadinaya dhibanayaal kale oo dhul go’a uu saameeyay.
Wakaaladda wararka ee DPA oo soo xigatay sarkaal sare ayaa sheegtay inay jiraan dad weli dhulka ku hoos jiro.
Daadadka iyo dhul go’a ayaa ku badan Indonesia xilli roobaadka.
Waaxda qaran ee maareynta musiibooyinka ee Indonesia ayaa sheegtay in qiyaastii 125 milyan oo qof oo ah ku dhawaad kala bar tirada guud ee shacabka wadankaas ay ku nool yihiin meelaha halista ugu jiro dhul go’a.