Safaaradda Shiinaha ee Nairobi oo ka hadashay deyn Kenya lagu leeyahay

0
927

Safaaradda dowladda Shiinaha ee magaalada Nairobi ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in xukuumadda Beijing ay diyaar u tahay in Kenya loo oggolaado inaysan in muddo ah bixin deymaha lagu yeeshay.
Tallaabadan ayaa ka mid ah dadaallada wadamada uu dhaqalahoodu soo kobcaya fursad loogu siinaya inay ka soo kabtaan saameynta cudurka COVID-19.
Waxay safaaraddu intaasi ku dartay in labada dowladood ay sare u qaadayaan xiriirka ka dhexeya.