Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka tacsiyeeyay geerida dhigiisi wadanka Iiraan Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa ‘X’ ayuu ku muujiyay sida uu uga xun dhacdadaasi islamarkaana Kenya ay garab taagan tahay shacabka Iiraan xilligan adag.
Ruto ayaa madaxweyne Raisi ku tilmaamay inuu ahaa hoggaamiye aan cabsanayn sidoo kalena daacad ah islamarkaana leh xirfad shaqo oo heersare ah.
Waxaa uu sidoo kale ku tilmaamay hoggaamiye adag oo ay ka go’an tahay sababaha uu aaminsan yahay oo uu doonayay inuu sare u qaado mowqifka Iiraan ee masraxa caalamiga ah.
Madaxweynaha dalka ayaa xusay in Kenya iyo jamhuuriyadda Iiraan ay wadaagaan xiriir wanaagsan iyo booqashadii Raisi ee uu Kenya ku yimid bishii Toddobaad ee sanadkii hore ee uu ahaa safarkii ugu horreeyay ee uu Afrika ku imaado isagoo madaxweyne ah.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida dhigiisi Iiraan, isagoona ku tilmaamay inuu...