Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa hoygiisa ku qaabilay madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo booqasho ugu tagay.
Labada mas’uul ayaa kawada hadlay xaaliddihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya, sida rabshadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo sida looga gudbi karo caqabadaha hadda taagan ee arimaaha doorashadu ay ka mid tahay.
Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle ku bogaadiyay go’aankii uu Maamulkiisu ka qaatay Xaaladda siyaasadda ee Wadankaasi iyo cakiranaanta arrimaha doorashooyinka.
Kulamada looga hadlayo dhacdooyinkii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo caqabadaha hareeyay doorashooyinka Soomaaliya ayaa ka socon doona Magaalada Muqdisho, iyadoo saacadaha soo socda ay Madax kala duwan lagu wado inay kulamo ku yeeshaan magaalada Muqdisho Maadaam hadda dalka lagu wado inay sida ugu dhaqsaha badan Doorasho uga dhacdo.