Kenya iyo Ingiriiska oo iska kaashanaya in la kordhiyo tirada ardayda ee caalamka

0
437

Dowladaha Kenya iyo Ingiriiska ayaa ku heshiiyay in ay ka wada shaqeyaan sidii 175 milyan oo carruur dheeraad ah ay ugu biiri lahayeen dugsiyada caalamka.
Heshiiskan ayaa la gaaray ka dib markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson ay wada hadleen .
Tani ayaa imaanaysa iyada oo lagu wado in 25-ka iyo 26-ka bisha Toddobaad ee sanadkan uu qabsoomo shirweynaha arrimaha waxbarashada ee u dhexeya Kenya iyo Ingiriiska.
Waxaa la qorsheynayaa in shirka lagu uruuriyo lacag dhan 5 bilyan oo doolar oo ah dhaqaalaha loo baahan yahay si 175 milyan oo carruur ah ay u helaan fursad waxbarasho.
Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha Kenya iyo UK ka dhexeya waxayna sheegeen in ay iska kaashan doonaan dagaalka ka dhanka ah cudurka COVID19, amniga iyo nabadgalyada gobolka iyo la tacaalidda saameynta isbeddelka ku yimaada cimillada.
Mr. Kenyatta iyo Boris Johnson ayaa dhanka kale walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee ka taagan Soomaaliya.
Waxay isku afgarteen in ay ka wada shaqeyaan iyaga oo kaashanaya golaha ammaanka ee qaramada midoobay , wadamada barwaaqa sooranka iyo saaxiibada kale sidii loo xaqiijin lahaa xasiloonida gobolka.