Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana muddadiisa afarta sano ay dhammaatay, Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo baaqyadii ay arrimaha doorashooyinka ka soo saareen ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed, iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.
Waxa uu ku baaqay in la joojiyo waxkasta oo dalka u horseedi kara xasillooni darro, taas oo uu sheegay inay ka mid tahay siyaasadaynta arrimaha ciidammada, kala qeybinta bulshada iyo burburinta hantida dadweynaha.
Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay taleefishinka dowladda ayaa sheegay in si la isu waafajiyo dedaallada siyaasadeed iyo go’aankii Golaha Shacabka ee Soomaaliya uu laba usbuuc ka hor gaaray uu hortegi doono golahaas.
“Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee hore loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
MD Farmaajo ayaa ku adkaystay in dowladdiisa ay marwalba ka go’nayd inay qabato doorasho waqtigeeda ku dhacda oo nabdoon, hasayeeshee arrintaas uu tilmaamay inay caqabad ku ahaayeen dad gaar ah iyo dowlado shisheeye.
Kooxahaas oo uusan carabaabin ayuu ku ku eedeeyay inay danaynayeen in dalka uu fowdo galo, arrintaasna aysan aqabalyn: “Annagu ka dowlad ahaan, waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruudi ku xirnayn oo saldhiggeedu yahay heshiisyadii horey loo gaaray ee 17ka september 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo 16-kii Febraayo 2021,”
Dhanka kale Mr Farmaajo waxa uu sheegay in dadweynaha ay go’aan ka gaari karaan dadka dhibaatada dalka ka shaqeynaya iyo kuwa hortaagan: “Shacabka Soomaaliyeed waxay caawa kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa in aysan doorasho dhicin, dowladnimada la burburiyo, iyo cidda u hiilinaysa nabadda, qarannimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.”
Dhanka kale waxa uu madaxweynuhu ku baaqay in dhinacyada oo dhan ay joojiyaan wixii horseedi karo xasillooni darro, lagana fogaado wax kasta oo dhalin kara khalkhal amni.
Madaxweynaha ayaa sheegay in isagoo ka hortagaya hagardaamo uu tilmaamay in lagu bartilmaameedsanayo xasilloonida dalka arrintaas oo uu sheegay inay gaashaanka ku dhufteen.
Waxa uu sheegay in caqabadaha ay la kulmeen ay hormuud u yihiin waxa uu ku tilmaamay faragelin shisheeye iyo gacmo gurracan oo uu sheegay inay doonayaan burburinta dalka iyo kala qeybinta Shacabka.
“Shisheeye badan ayaa maskax, maal iyo muruqba ku bxinaaya sidii ay u marin habaabin lahaayeen horumarka umadda Soomaaliyeed, si ay u helaan dano u gaar ah, annaguna waxaan ku dedaalnay inaan gaashaanka ku dhufunno,” ayuu yiri madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.