Muqdisho 27- Apriil-2021, Iyadoo Laga Ambaqaadayo Barnaamijka xukuumadda ee ku aaddan hirgelinta Dooorashooyinka Qaranka oo ay fulinteeda u xilsaarantahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Wasaaradda oo fulinaysa awaamiirta Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaliya, waxay ugu baaqaysaa dhinacyada ay quseyso in ay bilaabaan dardar-galinta Nidaamka Doorashada Dalka ee uu saldhig u yahay hishiiskii 17 Sept 2020 ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxay Wasaaraddu ugu baaqaysaa dhammaan daneeyayaasha doorashada dalka in ay u diyaar garoobaan doorasho jawi nabdoon ku dhacda, sida uu faray Wasiirka kowaad ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya.
Home Wararka Soomaaliya Wasaaradda arrimaha gudaha XFS oo ku baaqday in loo diyaar garoobo doorasho...