Galmudug iyo Hirshabeelle oo kasoo horjeestay muddo kordhinta

0
456

Maamul gobaleedyada Galmudug iyo HirShabeelle ayaa ka soo horjeestay muddo korarsiga dowladda dhexe oo ay ka aamusnaayeen tan iyo 12-kii bishaan.
War-saxaafadeed wadajir ah oo ay saareen labadaan maamul ayey ku sheegeen in aysan aqbali doonin burbur dalka ku yimaada, taas oo ka dhalata muddo korarsiga dowaladda dhexe.
Labadaan maamul ayaa cambaareeyay dagaaladii ka dhacay waxayna ku baaqeen in la dejiyo xaalada iyo in la qabto doorasho ku qotanta heshiiskii 17-kii Sateembar ee sanadkii hore.
Lama oga waxa ay tallaabada Galmudug iyo Hirshabelle ka bedali karto go’aanka Farmaajo.
Hoos ka akhriso war saxafadeedka