Guddiga adeegga waaxda garsoorka ee dalka JSC ayaa u magacaabay madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome Karabu.
Haweeneydan ayaa ka mid ahayd 10 musharrax oo dhawaan guddigan turxaan bixiyay
Shir jaraa’id ay galabta qabatay guddoomiye ku xigeenka guddiga JSC. Prof. Olive Mugenda ayay sheegtay in guddiga uu si aqlabiyad leh u xusheen Martha Koome inay noqoto madaxa cadaaladda dalka ee xiga.
Waxaa ay intaa ku dartay in magaceeda ay u gudbiyeen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta si ay buuxiso jagadii madaxa cadaaladda Kenya ee uu baneeyay David Maraga.
Waxaa lagu wadaa inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee noqoto guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.
Garsoore Koome ayaa ku biirtay liiska qareenada wadanka laga aqoonsan yahay sanadkii 1987.
Waxay leedahay 33 sano oo khibrad shaqo oo dhanka sharciga ah sida laga soo xigtay guddiga JSC.
Sanadkii 2012-kii ayay ka mid noqotay garsoorayaasha maxkamadda racfaanka dalka .
Waxay hadda ka howlgashaa Nairobi in kastoo ay horay uga soo shaqeysay laamaha maxkamadda ee Nyeri iyo Malindi.