Xubnaha koox burcad ah oo lagu xiray Kisumu

0
225

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Kisumu ayaa xiray 12 ​qof.
Dadkan ayaa ku eedeysan in ay yihiin xubnaha kooxda burcadda ee ” Kabar Gang”.
Waxaa loo haystaa in ay falal dhac oo rabshadeysan ay ka gaysteen ilaa saddex tuulo.
Howlgalka tuhmanayaasha lagu soo xiray ayaa soo billowday abaare 4-tii aroornimo ee shalay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in eedeysanayaasha iyo waxyaabo lagu soo helay la geeyay saldhigga booliiska ee Masogo.
Shacabka Kisumu ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen ciidamada ammaanka ee tuhmanayaasha burcadnimo lagu soo xiray ay tahay mid ay ku nafiseen kana mahadcelinayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here