20 ka mid ah ciidamada militariga ee Cambodia oo qarax ku dhintay

0
300

Qarax ka dhacay xero militari oo ku taalla galbeedka dalka Cambodia ayaa waxaa ku dhintay 20 sarkaal.
Waxaa arrinkan xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha wadankaasi Hun Manet.
Qaraxa oo ay ciidamo kale oo dhowr ah ku dhaawacmeen ayaa dhacay galinkii dambe ee shalay.
Ra’iisul Wasaare Hun ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook-ga ku sheegay in dhacdadan ay saameysay saldhigga militari ee gobolka Kampong Speu.
In kastoo uunan faahfaahin dheeraad ah bixin , haddana waxaa uu Hun Manet xusay inuu aad uga naxay saameynta ka dhalatay qaraxaasi.
Hasa ahaate ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay falkaasi.
Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha tacsi u diray qoysaska , ehellada iyo asxaabta ciidamada difaaca ee qaraxa ku nafwaayay.
Waxaa uu ballan qaaday in xukuumadiisa ay bixin doonto qarashaadka ku baxaya aaska meydadka askarta sidoo kalena magdhow la siin doono qoysaskooda iyo inta dhaawacantay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here