83 qof oo ku dhintay daadadka saameeyay Kenya

0
313

Dowladda dhexe ayaa xaqiijisay in ilaa iyo hadda roobabka culus ee wadanka ka da’aya iyo daadadka ka dhashay ay galaafteen nolosha 83 qof.
Tani ayaa timid ka dib markii la helay meydadka 13 qof oo dheeraad ah.
Afhayeenka dowladda dhexe , Issac Mwaura ayaa warbaahinta u sheegay in 4 mayd laga soo saaray webiga Kwa Musii ee ismaamulka Makueni halkaasi oo ay ku dhinteen ilaa 9 qof ka dib markii baabuur xamuul ah oo ay dadkan saarnaayeen uu biyaha ku dhacay.
Mayd kale ayaa laga helay xaafadda Mathare ee ismaamulka Nairobi waxaana deegaankaasi ku nafwaayay ilaa 15 ruux.
Dhanka ismaamulka Machakos waxaa laga helay meydadka nin, xaaskiisa iyo qof ay daris ahaayeen ka dib markii biyaha buuxdhaafay ee webiga Tindanda River ay qaadeen baabuur dadkan siday.
Issac Mwaura ayaa dhanka kale sheegay in daadadka ay ku barakaceen 24,196 oo qoysas ah.
Waxay qoysaskan ka kooban yihiin 131,450 ruux.
Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in dowladdu ay xoojisay howlgallada samatabixinta ee lagu raadinaya dadka ay biyaha la tageen iyadoo ay arrinkan iska kaashanayaan waaxyo kala duwan.
Waxaa uu Mwaura sheegay in ay dhaawacmeen 29 ruux oo kenyaan ah halka 19 kalena weli la la’yahay.
32 ka mid ah dhacdooyinka dhimashada ee la xiriira daadadka waxaa laga diiwaangeliyay caasimadda wadanka ee Nairobi oo ay ku barakaceen 16,909 qoysas ah.
Dowladda ayaa sheegtay in roobabka culus ee da’aya ay saameeyeen dhammaan 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay.
Gobolka Rift Valley ayaa laga soo tabiyay 16 ka mid ah kiisaska dhimashada , waxaa halkaasi ku dhaawacmay 16 qof iyadoo ay barakaceen 780 qoysas ah.
Dhanka Bariga, waxaa la diiwaangeliyay 11 dhimasho , 10 dhaawac ah iyo barakaca qoysas gaaraya 2,260.
Marka la eego gobollada Nyanza iyo Galbeedka, dhimashadu waa min 6 qof , dhaawaca waa 168 qof halka ay barakaceen 1,870 oo qoysas ah.
Gobolka Bartamaha waxaa laga diiwaangeliyay 3 dhimasho, 2 dhaawac waxaana meelaha gobolkaasi ka tirsan ee ay daadadku saameeyeen ka mid ah ismaamulka Kirinyaga oo ay dhibaatooyin la kulmayaan ugu yaraan 750 qoysas ah.
Xeebta waxaa roobabka iyo daadadka ka dhashay ku nafwaayay 2 qof iyadoo ay barakaceen 303 oo qoysas ah.
Meelaha saameynta roobabka laga dareemaya ee ay dadku danta ku qasabtay inay hooy ku meel gaar ah ka sameystaan hareeraha waddada wayn waxaa ka mid ah tuulada Mororo ee ismaamulka Tana River.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross ayaa laga soo xigtay in ay hirgelisay 59 xerooyin oo ah kuwa barakacayaasha gudaha ee loo yaqaano IDPs.
Waxay hay’addu sheegtay in ay soo samata bixisay 350 qof halka waxyaabaha aan cunnada ahayn loo qaybiyay ugu yaraan 22,000 qof iyadoo gargaar cunno la gaarsiiyay in ka badan 360 qoys.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo waaxda saadaasha hawada ee dalka ay sheegaysa in la filaya in maalmaha nagu soo aaddan ay roobab culus ka sii da’aan in ka badan 40 ka mid ah ismaamullada wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here