Saraakiisha booliska ee ismaamulka Homa Bay ayaa xabsiga u taxaabay 36 da’ayar ah oo la qabtay xilli ay ku caweynayeen guri ku yaalla tuulada Koweo ee hoos tagta bariga deegaanka Rachuonyo ee ismaamulkaasi.
Carruurtan oo da’doodu u dhexeysay 12 ilaa 17 sano, ayaa lagu soo qabtay howlgal ay hoggaaminayeen guddomiye ku xigeenka deegaanka hoose ee Kojwach Kawere Isaiah Ondoro iyo dhiggiisa Kojwach Kamyoro Fredrick Okeyo.
Guddoomiye ku xigeenka deegaanka hoose ee Kojwach Kawere Isaiah Ondoro ayaa sheegay 11-kii habeenimo ee maalinka Sabtida ee toddobaadka ee guriga ay da’ayartan ku caweynayeen ka soo qabteen 28 wiil iyo 8 gabdhood.
Waxaa uu intaa ku daray in afar kale ay baxsadeen ka dib markii ay ka boodeen xayndaabka gurigaasi.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in carruurta la qabtay badankood ay dhawaan u fadhiisteen imtixaanka qaran ee fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe (KCPE) halka qaarkood ay wali ku jiraan dugsiga hoose.
Mr. Ondoro ayaa sheegay in dadka deegaanka ay ka heleen macluumaad arrinkan ku aadan islamarkaana carruurtan uu u shidnaa mustiga aad u cod dheer taas oo khalkhal galisay dariska.
Saraakiisha ayaa dhanka kale sheegay Intii ay howlgalkan kuguda jireen ay soo heleen dhalooyin khamri ah, laba baakadood oo cinjirka galmada ah oo aan la adeegsan iyo laba mooto oo la tuhunsan yahay in loo in carruurta lagu soo qaaday
Carruurta ayaa haatan lagu hayaa Saldhiga Booliska ee Ringa ee ismaamulka Home Bay.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeyso xilli hoggaamiyaasha diinmaha iyo saamileyda ismaamulkaasi ay waalidiinta iyo dadka ardayda mas’uulka ka ah ugu baaqayeen inay ilaashadaan ilmahooda si ay uga taxadaraan falalka xun xun ee laga soo tabiyo bulshada dhexdeeda.