Golaha militariga ee maamulo dalka Chad ayaa sheegay in uusan wax heshiis ah la gelin doonin kooxaha fallaagada ee weerarada ka wado waqooyiga dalkaas.
Maalmo ka hor ayaa maleeshiyaadkan lagu eedeyay in ay dileen madaxweynihi Chad Idriss Deby.
Afhayeen u hadlay militariga oo lagu magacaabo Azem Bermandoa Agouna ayaa sheegay in aan la joogin xilligii lala xaajoon lahaa koox wadankaas laga mamnuucay.
Kooxdan loo yaqaano FACT ayaa 11-kii bishan billaabay in ay dalbadaan in la soo afjaro xukunka madaxweyne Deby ee 30 sano ka jiray Chad.