Dowladda oo sheegtay in ay qorsho u dejisay qurba-joogta dalka

0
408

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee uu billaabay qorsho arrimaha horumarka looga qayb gelinaya qurba joogta wadanka u dhashay.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu Ruto ku shaaciyay in ay qirayaan kaalinta Kenyaanka ku nool dalalka kale ee caalamka ay ka qaataan horumarka.
Waxaa uu xusay in qorshahan uu yahay mid si habsami leh loo diyaariyay si muwaadin kasta uu uga faa’iido kheyraadka qaran.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu kulan qaabka fogaan-aragga ah la yeeshay qurba joogta Kenyaanka ah waxayna ka wada hadleen sidii siyaasadda , xeerarka iyo barnaamijyada kala duwan ay u noqon lahayeen kuwo ku saleysan danta guud.