Xasan Sh Maxamuud oo ka hadlay weerar lagu soo qaaday hoygiisa

0
431

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay weerar galabta ay hoygiisa kusoo qaadeen ciidamo ka amar qaata MD Farmaajo.
Xasan Sh Maxamuud ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay wixii dhowr jeer horey looga digay in uu weli Farmaajo ku dhiiran yahay, isagoo mar kale ka digay khatarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka.
“Waxaa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga, waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khatarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka, mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in la iska difaaci doono Ciidanka weerarka kusoo qaaday ayna tahay nasiib darro weyn.