Ra’iisul wasaraaha India oo sheegay in dalkiisa uu gilgilay corona

0
554

Ra’iisul wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa sheegay in cudurka COVID-19 uu saameyn weyn ku yeeshay wadankaas.
Waxaa uu maanta oo Axad ah dhammaan shacabka ugu baaqay in ay qaataan tallaalka ka dhanka ah caabuqa corona.
24-kii saacadood ee ugu dambeeyay gudaha India waxaa laga diiwaangeliyay kiisaska cudurka oo gaaraya 349,691.
Wararka ayaa intaa ku daraya in maamullada isbitaallada ku yaalla caasimadda dalkaas ee New Delhi iyo deegaannada kale aynan hadda bukaano hor leh qaabilayn maadaama uu jiro gaabad dhanka sariiraha iyo agabka oksijiinka ah.
Dhanka kale dowladda Maraykanka ayaa walaac ka muujisay xaaladaha fayraska ee ku sii kordhaya India waxayna sheegtay in ay caawimaad gaarsiin doonto.