Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dab saameeyay xarun caafimaad oo ku taalla caasimadda wadanka Ciraaq ee Baghdaad.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in dhacdadaasi ku dhinteen ugu yaraan 82 qof halka ilaa 110 kale ay dhaawacmeen.
Waxaa uu dabka ka billowday qaybta daryeelka degdegga ee loo yaqaano ICU-da.
Waxaa halkaasi lagu daaweynayay dadka uu soo ritay cudurka safmarka ee COVID19.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dabka uu si xowli ugu faafay dhammaan qaybta lagu daaweeyo bukaannada uu soo ritay cudurka COVID-19 iyadoo la arkay dad ka boodaya daaqadaha si ay naftooda u badbaadiyaan.
Isbitaalka dhacdadan laga soo tabiyay ayaa lagu magacaabaa Ibn Khatib waxaana dhibaatadan loo aaneynayaa agabka neef-caawiyaha oo qarxay sida ila wareedyo caafimaad ay u sheegeen wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP.
Kadhim Bohanm oo ka mid ah mas’uuliyiinta dalka Ciraaq ayaa wakaaladda wararka ee INA dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashay u xaqiijiyay.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Ciraaq oo aan wax war ah ka soo saarin dhacdadan ilaa dhowr saacadood oo dabku socday, ayaa sheegtay inay soo badbaadiyeen in ka badan 200 oo bukaan ah.
Waxaa ay ballan qaaday wasaaradu in tirada rasmiga ah ee dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay dib ka soo sheegi doonto.
Cali li Bayati oo xubin ka ah guddiga xuquuqda aadanaha ee dalka Ciraaq ayaa sheegay in dadka dhintay 28 ka mid ah ay qaadanayeen qalabka neef caawiyaha ee loo yaqaano ventilators.
Telefishanka Al Jazeera ayaa ku warramaya inay suuro gal tahay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto maadaama in badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay ay aad u gubteen.
Isbitaallada Ciraaq waxaa bur-buriyay tobanaan sano oo colaado iyo maalgashi liita ah, iyadoo ay gabaabsi yihiin daawooyinka iyo sariirraha xarumaha caafimaadka.