Ciyaaryahan hore oo lagu soo oogay dacwad ka dhan kufsi

0
629

Maxkamadda Milimani ee maagalada Nairobi ayaa amartay in 7 cisho xabsiga lagu sii hayo ciyaaryahaankii hore ee qaranka ku matali jiray ciyaarta loo yaqaano Rugby-ga Alex Olaba.
Alex Olaba ayaa lagu soo oogay dacwad ka dhan ah kufsi.
Waxaa uuna sido kale wajahaya inuu dil ugu hanjabay markhaatii muhiim u ahaa dacwadda lagu soo oogay.
Sarkaalka u qaabilsan baaritaanadiisa ayaa sheegay in Olaba uu sameeyay isku dayo dhowr ah oo ku doonayay inuu ka takhaluso markhaatiga kiiska loo haysto
Dambi baarayaasha ayay hadda maxkmaddu fursad u siisay inay baaritaano dheeraad ah ku sameeyaan.
Waxaa uu ku jiraa saldhigga booliska ee Kilimani Nairobi.