Hay’adda laanqeyrta cas ee Kenya oo ka digtay xaaladda abaar ee ka sii dareysa ee qaybo ka mid ah dalka

0
629

Dowladda iyo waxyaha ka falceliya xaaladaha deg deg ah ayaa lagu boorriyay in sida ugu dhaqsiyaha badan u fuliyaan waxqabadyada ugu horreeya si looga hortaggo khasaaraha nafeed ee ka dhalan kara abaaraha ka jira qaybo ka mid ah dalka gaar ismaamullada oomanaha.
Agaasimaha guud ee hay’adda laanqeyrta cas laanteeda Kenya Dr Caasha Maxamad ayaa ka digtay in hadii ay dhacdo in roobab aysan di’in saddexda bilood ee soo socota, in ka badan 1.4 milyan oo qof oo horeyba abaaruhu u saameeyeen ay saameyn xun ku yeelan karto.
Waxaa ay sheegtay in tirada dadka wajahaya cunno yarida ay sare u sii kici doonto hadii aanan roob la helin 3 bilood ee soo socota.
Waxaa ay intaa ku dartay in loo baahan yahay talaabo deg deg ah si loo badbaadiyo nolosha lagana hortaggo xaaladda ka sii dareysa.
Hadalkan ayay ka sheegtay xilli ay ku sugneyd ismaamulka Marsabit.
Ismaamullada Marsabit, Turkana iyo Mandera ayay sheegtay in hadda ay ka jiraan marxalad qeylo dhaan ah oo ku saabsan cunno yarida iyadoona xaaladdu ay ka sii dari karto hadii aanan la helin roobab.
Waxaa ay sidoo kale sheegtay in dowlad deegannada Baringo, Isiolo, Kilifi, Garissa, Wajeer iyo Tana River ay wajahan xaalad diginin ah oo ka dhan abaar.
Dr Caasha Maxamad ayaa sheegtay in ay jirto suurtagalnimada ah in xaaladda abaarta ay kasii dari doonto gaar ahaan oo ay uga sii dari doonto nafaqada iyo sugnaanta cuntada oo markii horaba jilicsaneyd ee bulshada ku nool ismaamullada oomanaha.
Qiimeyn ay sameysay kooxda hagta hagidda cunnada ee Kenya (KFSSG) bishii Labaad ee sanadkan ayaa muujisay in ka badan 400,000 oo carruur ah oo da’doodu u dhaxeyso lix bilood ilaa shan sano ay nafaqo darro ba’an hayso una baahan yihiin daaweyn iyo taageerro nafaqo.
Agaasimaha guud ee hay’adda laanqeyrta cas laanteeda Kenya Dr Caasha Maxamad ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha inay gacmaha is qabsadaan si gargaar cunno loo gaarsiiyo qoysaska ay naftooda halista ku jirta.