Wararka naga soo gaaraya dalka Cummaan ayaa sheegay in halkaas laga mamnuucay dadka ka soo safro wadamada kala ah India, Pakistan iyo Bangladesh si loo xakameeyo faafidda caabuqa corona.
Amarkan ayaa dhaqan galaya 6-da maqribnimo ee maalinka Sabtida taariikhduna ay ku beegan tahay 24-ka bishan.
Waxaa go’aankan soo saaray guddiga sare ee Cummaan u qaabilsan la tacaalidda cudurka COVID-19.
Amarkan ayaa saameynaya cid kasta oo saddexda waddan soo martay 14-kii cisho ee ugu dambeeyay.
Hasa ahaate waxaa uunan saameyn doonin muwaadiniinta Cummaan , dibloomaasiyiinta , saraakiisha caafimaadka iyo qoysaskooda ka soo laabanaya wadamada India, Pakistan iyo Bangladesh.
Sidoo kale dowladda Cummaan ayaa ka soo horjeesatay in carruurta ay da’doodu tahay 12 sano iyo wixii ka hooseeya loo ogolaado in ay galaan dhismooyinka ganacsi iyo meelaha kale ee beecsharada.
Xaalado cusub oo gaaraya 1,077 iyo dhimasho hor leh oo dhan 17 oo la xiriira cudurka COVID-19 ayaa laga xaqiijiyay Cummaan tani oo tirada guud ee kiisaska caabuqa ee halkaas laga diiwaangeliyay ka dhigaysa 187,770 halka dhimashaduna ay tahay 1,926 .