Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in Shaqaaqada dhalisay gacan-ka-hadal ay dhex-martay Ciidamo ka tirsan Nabadsugidda Soomaaliya iyo Shaqaalaha Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha,oo ku wada sugnaa Gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Gacan ka hadalka uu yimid kadib markii shaqaalaha Waaxda Socdaalka ay ku hakiyeen qeybta hubinta dad aysan u dhamaystirnayn waraaqaha lagu dhoofo ama lagu soo dago, lagana dalbaday damaanad iyo cida ay u socdaan, hase ahaatee intii ay howshaas socotay ay xubno ka socday Nabadsugida dharcada ee garoonka ay dalbadeen inay dadkaan la wareegaan, balse ay shaqaalaha Waaxda Socdaalku diideen arintaasi.
Shaqaaqada ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen dhowr qof oo kamid ah dhinacyadii gacan ka hadalku dhexmaray & burbur Soo gaaray agabkii shaqada ee Garoonka, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen dad ku sugnaa gudaha Garoonka xilliga ay shaqaaqadu dhaceysay.
Taliyaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Gaashaanle Maxamed Aadan Koofi & mas’uuliyin kale ayaa gaaray Garoonka, kuwaasoo xal ka gaaray muranka gacan ka hadalka isku bedelay ee dhex-maray Ciidamo ka tirsan NISA & Shaqaalaha Hay’adda Socdaalka.