Guddiga JSC oo laga hor istaagay inuu shaaciyo madaxa cusub ee cadaaladda dalka

0
409

Guddi ka kooban saddex garsoorayaal ayaa guddiga adeegga cadaaladda ee dalka ee JSC ka hor istaagay in uu shaaciyo magaca cidda loo soo xusho xilka madaxa waaxda garsoorka dalka.
Hasa ahaate guddiga ayaa loo oggolaaday inuu sii wado turxaan bixinta lagu sameynaya shakhsiyaadka doonaya in ay buuxiyaan jagadii uu baneeyay David Maraga oo howlgab noqday.
Turxaan bixinta oo soo billaabatay 12-kii bishan ayuu qorshuhu yahay in la soo gabagabeeyo berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 23-ka bishan.
Xaakinada go’aanka maxkamadda ku dhawaaqay ayaa kala ah Anthony Mrima, Helen Onkwani iyo Reuben Nyakundi.
Maxkamadda ayaa arrinkan ka hadashay ka dib dacwad ay labo qof u gudbiyeen oo looga soo horjeeday geeddisocodka turxaan bixinta.
Dacwadda ayaa ku saleysan in xubnaha JSC aynan shakhsiyaadka la turxaan bixinaya ka dalban in ay shaaciyaan qiimaha hantidooda.
Waxaa maanta iyo berri guddiga JSC ka soo hormuuqanaya Prof. Wekesa Moni iyo Alice Yano