Wafdi dowladda dhexe ka socda oo Baydhabo gaaray

0
487

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ahna Caasimadda KMG ee Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa Maanta gaaray wafdi ay hoggamineyso Wasiirka Wasaaradda Gargarka iyo Maareynta musiibooyinka ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Khadiijo Maxamad Diiriye.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Shaati Gaduud ee magalada Baydhabo kusoo dhoweeyey Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada, Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Baydhabo.
Socdaalka Wafdiga ayaa waxaa lagu sheegay sidii degaannada Maamulka Koonfur Galbeed loo gaarsiin lahaa Deeq ka timid dowladda Sacuudiga oo loogu talo galay dadka abaaraha iyo dhibatooyinka kala duwan ay ku heystaan degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wafdiga ay hoggaamineyso Wasiirka Wasaaradda Gargarka iyo Maareynta musiibooyinka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxaa la filayaa inay kulan la qaataan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftaagreen)