Guddiga adeegga baarlamaanka dalka ee PSC ayaa la filayaa in uu madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta ku wareejiyo magacyada shakhsiyaad la doonayo in ay shaqalaysiiyaan saraakiil buuxinaya jagooyin ka bannaan guddiga IEBC.
14-kii bishan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka uu ku dhawaaqay in ay bannaan yihiin qaar ka mid ah xilalka saraakiisha sar sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka .
Jagooyinkan oo ah afar ayaa waxaa ka hor doorashadii guud ee sanadkii 2017-kii isaga casilay saraakiishii hayay oo kala ahaa Roselyn Akombe, Paul Kurgat, Margaret Mwachanya iyo Consolata Maina.
Sida ku qeexan xeerka doorashooyinka ee IEBC , guddiga shaqalaysiinta sameynaya ayaa la doonayaa in uu ka koobnaado afar xubnood oo rag iyo haween isugu jiro, xubin matalaysa ururka qareenada dalka ee LSK iyo labo qof oo wakiillo ka ah gole-diimeedka dalka.
Wargeyska The Standard ee ka soo baxo gudaha dalka ayaa ku warramaya in madaxa ururka LSK Nelson Havi uu Kimuli Morris Mutua u soo magacaabay in uu guddigan ku matalo.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo lagu wareejin doono guddiga shaqalaysiinaya saraakiisha IEBC