Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda xilgaarsiinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdirisaaq Maxamuud oo Khadka teleefoon kula xiriiray dhiggiisa Tuniisiya ayaa waxay ka wada hadleen dhowr arrimood
Labada wasiir ayaa intii ay teleefoonka ku wada hadlayeen waxaay xaqiijiyeen adkaynta xiriirka walaaltinimo iyo wadatashiga u dhexeeya labada dal ee heer carbeed iyo afrikaan intaba wadaaga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa muujiyey sida ay dowladdiisu u tixgelinayso kaalinta fir-fircoon ee ay Tuniisiya ciyaareyso iyadoo ah xubin aan joogto ahayn oo ka tirsan Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay muddo xileedka sanadaha 2020 illaa 2021, ee difaaca danaha iyo arrimaha dalalka Carabta iyo Afrikaanka ee Golaha ku jira, iyo ka qayb qaadashada xal u raadinta nabadeed iyo amni ee wadamada Carabta iyo qaaradda Africa.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda , Socdaalka iyo Qurbajoogta Tuniisiya ayaa muujiyay sida ay dowladda Tuniisiya u taageerayso geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo dhowridda midnimadeeda dhuleed oo ah wax faa’iido u ah dadka Soomaaliyeed, amnigiisa.