Kooxda Tottenham oo shaqada ka ceyrisay Jose Mourinho

0
930

Kooxda Tottenham oo ka ciyaarta horyaalka kubadda cagta ee Ingiriiska ayaa shaqada ka ceyrisay tababare Jose Mourinho iyada oo kooxdu ku dhawdahay in ay seegto koobka ugu weyn qaaradda Yurub ee champions League xilli ciyaareedka dambe.
Mourinho oo 58 jir ah ayaa shaqada ka beddelay Mauricio Pochettino bishii Nofeembar ee sanadkii 2019-kii laakiin haatan waxa shaqada laga ceyriyay ka dib xilli ciyaareed xun oo ay ku jirto kooxdu.
Shaqo ka ceyrinta Jose Mourinho ayaa imanaysa 6 maalin ka hor kulanka kama dambeysta ay kooxda Tottenham la ciyaari doonto dhiggeeda Man City Final-ka Carabao Cup-ka kana dhici doona Wembley.
Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in tababare ku xigeennada Ryan Mason iyo Chris Powell ay qaab ku meel gaar ah u sii hoggaamin doonaan kooxda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Kooxda ayaa sidoo kale haatanba biloowday raadinta beddelka Jose Mourinho kaas oo dhaleecayn xoogan la kulmay xilli ciyaareedkan waxana lagu dhawaaqi doonaa tababaraha cusub dhamaadka xilli ciyaareedkan.