Midowga Afrika oo Itoobiya iyo Soomaaliya ugu baaqday in ay is ixtiraamaan

0
276

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa dowladaha dariska ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya ugu baaqay inay ilaaliyaan ixtiraamka ay kala mudan yihiin.
Waxaa uu ku taliyay degganaansho iyadoo beesha caalamka ay wado dadaallo lagu dejinaya xiisadda oo kala dhex gashay .
Faki ayaa sheegay inuu si dhow ula socday xaaladaha soo cusboonaaday ka dib heshiiskii ay saxiixdeen dowladda federaalka ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland.
Waxaa uu labada dhinac ku boorriyay inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo hoos u dhigi karta xiriirkooda wanaagsan.
Moussa Faki ayaa dhanka kale hoosta ka xarriiqay in waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika laga doonayo inay ixtiraamaan midnimada, madax bannaanida dhuleed iyo gobonnimada dalalka kale.
Faki ayaa intaasi ku daray in loo baahan yahay ilaalinta dhaqamada daris wanaagga si loo adkeeyo nabadgalyada , amniga iyo xasilloonida geeska Afrika.
Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa Soomaaliya iyo Itoobiya ugu baaqay in iyadoo aan laga dib dhicin ay khilaafkooda ku xalliyaan wada hadal.