Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday in maanta ay tahay maalin baroordiiq qaran ah.
Tani ayaa timid ka dib markii qaraxyo mataano ah oo halkaasi ka dhacay ay ku dhinteen ugu yaraan 103 ruux.
Qaraxyada ayaa laga soo tabiyay meel u dhow qabriga generaalkii la dilay ee Qasem Soleimani ee Koonfurta Iiraan.
Xukuumadda Tehraan ayaa qaraxyada ku tilmaantay falal argagixisannimo.
Shalay ayay ahayd markii weerarradan lala eegtay dad isugu soo baxay inay xusaan sanadguuradii afaraad ee ka soo wareegatay xilligii uu Maraykanku dilay taliyahan.
Ma jirto cid durbaba sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi.