Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa shalay isugu yeeray oo guddoomiyay shir ku saabsan amniga.
Waxaa shirka ka qayb galay hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamullada dariska ah ee Garissa iyo Isiolo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa iskudhacyada ku soo noqnoqday xadka deegaanka Lagdera iyo Isiolo.
Cali Bunow ayaa sheegay in madaxda ay isku afgarteen in ay ka wada shaqeyaan xoojinta nabadda iyo in la isku keeno bulshooyinka labada dhinac si ay xal uga gaaraan waxyaabaha ay falalka amni darro salka ku hayaan.
Madaxda shirka maanta ka qayb galay waxaa ka mid ah Senatar Fatuma Adan Dullo oo laga soo doortay Isiolo Senatarka Garissa Cabdulqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji ,Abshiro Soka Halake oo la soo magacaabay , xildhibaanka Lagdera Maxamad Hire Garane , dhigiisa Koonfurta Isiolo Cabdi Koropu Tepo , dhigiisa Balambala Cabdi Cumar Shuriye iyo madaxa fulinta ee golaha horumarinta ismaamullada xoolo dhaqatada ee FCDC Maxamad Guleed.
Home Wararka Kenya Barasaabka Garissa oo guddoomiyay shir looga hadlay amniga xadka ismaamulkaas iyo Isiolo