MD Farmaajo oo gaaray DRC Congo

0
395

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kinshaasa ee caasimadda Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC halkaasoo booqasho labo maalmood ah ay uga bilaabantay.
MD Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Injiili ee dalka DRC Madaxda Dalkaas oo muujinayey mudnaanta ay siinayaan kobcinta xiriirka labo geesoodka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Coongo.
War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Safarka Madaxweynaha uu ku qotoma kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fikirka xagjirnimada.
Diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta ay ku sugan yihiin DRC waxaay kulan la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas iyo Madax kale oo ka tirsan Midowga Afrika.