Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa aad u dhaliilay wada-hadallada dalka Jabuuti uga furmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweyne Deni oo hadal ka jeedinayay munaasabad uu xalay ku soo bandhigayay musharraxnimadiisa ayaa sheegay in shir ay ka maqan tahay Puntland uu yahay mid aan loo dhameyn.