8 qof oo hal qoys ka wada tirsan ayaa lagu dilay dalka Afghanistan ka dib markii ay weerar soo qaadeen koox hubeysan oo ilaa iyo hadda aan haybtoodu la garan.
Weerarka ayaa dhacay ka dib markii xalay rasaas lagu furay masjid ku yaalla gobolka bari ee Afghanistan ee Nangarhar gaar ahaan magaalada Jalalabaad.
Guddoomiyaha gobolka Nangarhar Ziaulhaq Amarkhil ayaa sheegay in sida muuqata muran dhul uu sabab u ahaa dilka.
Dadka la dilay ayaa kala ahaa shan wiil oo walaalo ah iyo saddex ay ilma adeerro ahaayeen.
Isku dhacyada la xiriira dhulalka ayaa ku badan guud ahaan dalka Afghanistan iyadoo rabshado muddo soconaya ay ka dhashaan.
Bishii Afaraad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ugu yaraan lix qof oo isku qowmiyad ah la dilay halka 20 kalena ay dhaawacyo soo gaareen ka dib markii iska hor imaadyo ka dhashay muran dhanka dhulka ah laga soo tabiyay isla gobolkan.
Nangarhar waa gobol ay ku xooggan yihiin kooxda Taaliban iyo kooxda isku magacowday dowladda islaamka ee ISIS.
Gobolkan ayaa hodan ku ah baaxadda dhulalka waxaa uuna ka mid yahay meelaha ugu muhiimsan ee beeraha Afghanistan.