Booliiska gobolka Banaadir oo beeniyay in Muqdisho laga macnuucay Cimaamadaha iyo Indha shareerka

0
192

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay inuusan jirin amar kasoo baxay hay’addaha amniga oo lagu mamnuucay isticmaalka Cimaamadaha, Koofiyadaha, Maskiga af xirashada iyo indha shareerka.
War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir ku sheegay in dacaayad ay tahay wararka sheegaya in la macnuucay astaamaha Diimeed, sida Cimaamadaha, Indha shareerka iyo kuwa dhaqanka bulshada.
Taliyaha ayaa sidoo kale ka dalbaday shacabka reer Muqdisho iney Taliska kusoo wargaliyaan hadii ay la kulmaan tacadiyo la xariira amar aanan kasoo bixin laamaha amaanka.
Warkaan kasoo baxay Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir ayaa imaanaya, iyadoo saacadahii lasoo dhaafay qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho lagu arkayay ciidamada oo qaadaya talaabooyin ka dhan dadka wata cimaamadaha, koofiyadaha iyo indho shareerka.
Ugu dambeyntii arintaan uu beeniyay Taliyaha Booliiska Banaadir ayaa noqotay mid si weyn looga hadal haayay sacaadahii lasoo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho.