Kulankii midowga musharixiinta, Qoor Qoor & Cali Guudlaawe oo natiijo la’aan kusoo dhammaaday

0
557

Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaaliya ayaa xalay Shir la qaatay Madaxweeyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa waxaa looga arrinsaday Go’aan laga sugayay Madaxweyne Axmad Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe Xuseen oo ku aadan inay caddeeyaan mowqifkooda muddo kordhinta labada sano ee Farmaajo loo sameeyay.
Labada Madaxweyne maamul goboleed ayaa Shirka keenay farriin ay ka wadeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo ay ku sheegeen inuu Farmaajo doonayo inuu la kulmo Midowga Musharaxiinta, si loo wada-hadallo.
Musharraxiinta ayaa ku gacan seyray farriintii ay wadeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle oo ahayd codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo, waxaana la tilmaamay in inta uu socday Shirka ay dhinacyada dhexmartay dood kulul.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in Shirkii xalay inta uu socday uu isaga soo baxay C/raxmaan C/shakuur, ka dib markii Qoorqoor iyo Guudlaawe ay shirka la yimaadeen wixii ay ka sugayeen wax aan ahayn oo ah inay farriin sidayaal noqdeen.
Shirka dhexmaray dhinacyada ayaa soo dhammaaday, iyada oo aan wax natiijo ah la gaarin, waxaana weli Musharaxiinta ay Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ka sugayaan inay si Cad u caddeeyaan mowqifkooda la xiriira muddo kororsiga Farmaajo.