Guddiga adeegga garsoorka oo maanta turxaan bixiyay qofkii 4-aad

0
529

Guddiga adeegga waaxda garsoorka ee dalka ayaa maalinkii afaraad turxaan bixin ku sameynaya shakhsiyaad isugu jiro qareeno iyo garsoorayaal oo mid kasta uu doonaya inuu noqdo madaxa cadaaladda ee dalka.
Waxaa maanta su’aalo la weydiiyay garsoore David Marete oo leh khibrad dhanka sharciga muddo 35 sano ah.
Marete ayaa xubnaha guddiga JSC u sheegay in hadii uu buuxiyo xilkii uu howlgabka ka noqday David Maraga uu sida ugu dhaqsiyaha badan u yareyn doono kiisaska maxkamadaha hor yaalla.
Waxaa uu sheegay in uu arrinkan ku guulaysanaya muddo saddex sano gudahood ah.
Marete ayaa sidoo kale xusay inuu diyaar u yahay in Kenyaanka ay kula xisaabtamaan waxqabadkiisa.
Xaakinka ayaa hadda ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha.
Mar la weydiiyay caqabadaha haysta waaxda cadaaladda ee dalka ayuu ku jawaabay tirada howlwadeenada oo hooseeysa iyo shaqaalaha oo aan sida habboon loo dhiirigelin.
Garsoore Marete oo 62 sano jir ah ayaa sheegay in hadii uu noqday madaxa cadaaladda ee Kenya uu cid kasta la shaqeyn doono isaga oo tixgelinaya sinnaanta ,dhageysanaya tabashooyinka shaqaalaha sidoo kalena wada tashi la sameynaya .
David Marete ayaa ku biiray liiska qareenada laga aqoonsan yahay dalka sanadkii 1985 .
Waxaa uu ku celceliyay in Kenya ay baahi u qabto hannaan cadaaladeed oo wanaagsan oo uu xusay inuu jiri karo hadii cid kasta si daacadnimo ay ku dheehan tahay loo dhageysto iyada oo la ilaalinaya mudada ay qaadanayaan dacwadaha kala duwan.
Xaakinka ayaa horay 15 sano uga soo shaqeeyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka.
Sidoo kale intii u dhexeysay 2003 ilaa 2009-kii waxaa uu ahaa sarkaal sare oo arrimaha sharciga u qaabilsan guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Waxaa David Marete lagu xusuustaa in sanadkii 2017-kii uu waxba kama jiraan ka soo qaaday xeer dhanka doorashooyinka oo dhigayay in cid kasta oo daneynaysa jago siyaasadeed laga doonayo in xilka ay hayso ay iska casisho 6 bilood ka hor inta aynan tartanka siyaasadeed ka mid noqon.