Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada booliska gaar ahaan qaybta qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee (ATPU) ay gacanta ku dhigeen labo haween ah.
Shakhsiyaadkan ayaa laga qabtay xaafadda Dagoretti ee ismaamulka Nairobi ka dib markii guri ay ku sugnaayeen laga helay hub.
DCI ayaa sheegtay in eedeysanayaasha su’aalo dheeraad ah la weydiinaya.
Magacyada eedeysanayaasha ayaa lagu sheegay Joyce Muthoni Mwihia iyo hooyadeed oo lagu magacaabo Goretti Mwihia.
Waxay labaduba haystaan jinsiyadda labo waddan.
Waaxda dambi baarista ayaa sidoo kale dabagal ku sameynaysa macluumaadka la xiriira falal dambiyeedyada si loo ogaado in shakhsiyaadkan ay falal hore ku lug leeyihiin .
Ciidamada ayaa intaa ku daray in ay howlgalka ku soo qabteen in ka badan 3,700 oo xirmooyin rasaas ah.