Maraykanka oo gacanta ku dhigay burcad badeed Soomaali ah oo weerarray markab lala xiriirinayo Israa’iil

0
242

Maraykanka ayaa sheegay inuu gacanta ku dhigay burcad badeed Soomaali ah, kuwaas oo isku dayay in ay qabsadaan markab xamuul ah oo lala xiriirinayo Israa’iil, labo maalin ka hor.
Maraykanka ayaa markii hore ku eedeeyay inay ka dambeeyaan weerarkaas dagaalyahannada Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Afhayeenka waaxda difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka Brigadier Janeraal Patrick Ryder ayaa xusay in Maraykanku uusan meesha ka saarin xiriirka Xuutiyiinta ee iskudayga afduubka burcad badeeda Soomaalida.
“Waan sii wadeynaa qiimeynta, laakiin calaamadaha billowga ah ee aanu hayno, waxayna muujinayaan in shantaan qof ay yihiin Soomaali,” ayuu yiri Ryder.
“Sida cad waa dhacdo la xiriirta burcad-badeednimada,” ayuu raaciyay.
Iskudayga afduubkan ayaa ku soo beegmaya xilli Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iiraan ay weerarro is-daba joog ah ku qaadeen maraakiibta gacanka caddan.