Ciidamada badda ee Maraykanka ayaa ka hortagay afduubashada markabka ganacsiga oo koox burcad badeed ah ay ku weerareen gacanka cadmeed ee u dhow Soomaaliya shalay, sida ay sheegeen saraakiisha difaaca Maraykanka.
Shaqaalaha markabka ayaa Axaddii soo saaray baaq ay ku sheegeen in ay weerar ku soo qaadeen burcad badeed, xilli ay marayeen gacanka cadmeed, oo qiyaastii 54 mayl-badeed u jirta xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay Zodiac, oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Maraykanka.
Saraakiisha Maraykanka ayaa ka digay in wax badan aan laga ogeyn dhacdada weerarka, iyagoo ku tuhmaya in Iiraan ay ku lug leedahay, ama uu xiriir la leeyahay xiisadaha gobolka oo sii xooggaystay tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii bishii hore.
Saraakiisha ayaa sheegay in aysan caddeyn in kooxda weerarka gaysatay ay ahaayeen kooxdii isku dayday in ay markab horay u qabsato ee Xuutiyiinta Yemen.
Home Wararka Soomaaliya Ciidamada badda ee Maraykanka oo badbaadiyay markab lagu afduuban lahaa meel u...