Waxaa lagu soo warramayaa in la xiray 7 qof oo lagu tuhmayo in xiriir la leeyihiin shakhsiyaadka gaysta falalka argagixisnimo.
Eedeysanayaasha ayaa laga soo qabtay deegaanka hoose Hawinga oo ka tirsan deegaan baarlamaaneedka Alego-Usonga ee ismaamulka Siaya.
Howlgal ay iska kaashadeen kooxo isku dhaf oo ka tirsan laamaha ammaanka ayaa lagu soo qabtay tuhmanayaasha
Warbixin uu booliiska soo saaray ayaa lagu sheegay in laamaha ammaanka ay heleen xog sirdoon ka hor inta aan gacanta lagu soo dhigin eedeysanayaasha.
Holwgalka ayaa sidoo kale lagu soo helay 2 baangad, 3 Toorey iyo waxyaabo kale oo falal dembiyeedyada lagu gaysto.
Eedeysanayaasha oo haatan ku jira saldhig booliis oo ku yaalla ismaamulka Siaya ayaa lagu wadaa inay maraan baaritaanno dheeraad ah ka hor inta aan maxkamad la soo taagin.