Go’aanka kama dambaysta ah ee xubinnimada EAC ee Soomaaliya oo la filayo in maanta la ansixiyo

0
218

Dowladda Soomaaliya ayaa rajo weyn ka muujinaysa in ku biirista jaaliyadda Bariga Afrika ee EAC si rasmi ah loo ansixiyo inta lagu guda jiro shir madaxeedka 23-aad ee hoggaamiyeyaasha ururkan kaas oo maanta ah ka furmaya magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
Haddii la ansixiyo, Soomaaliya waxay si rasmi ah u noqon doontaa xubinta 8-aad ee jaliyadda EAC.
Soomaaliya ayaa billowday hannaanka ku biirista bulshada EAC sannadkii 2012-kii, taasoo ka dhigtay sanadkii 11-aad tan iyo billowgii wadahadallada.
Waxay noqon doonta tallaabadii ugu dambeysay ee lagu go’aamin lahaa masiirka Soomaaliya ee ku biirista ururkan, ka dib wada xaajoodyo uu garwadeen ka ahaa, Cabdisalaan Cumar Hadliye, Ergeyga Soomaaliya ay u magacowday wada xaajoodka EAC.
Bishii Siddeedaad ee sanadkan, waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dhacay wada xaajood socday muddo sagaal maalmood ah oo u dhexeyay Soomaaliya iyo khubarro ka kala socotay toddobada waddan ee EAC, xoghaynta EAC, Golaha sharci dejinta ee Bariga Afrika, iyo Maxkamadda Caddaaladda ee Bariga Afrika.
Xoghayaha Guud ee EAC Dr. Peter Mathuki ayaa sheegay in ku biirista bulshada ay Soomaaliya u suurtagelineyso in ay ka faa’iideysato mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee EAC, sida waddooyinka, jidadka tareennada iyo isku xirka tamarta.